السبت، 16 يناير 2016

xanuunada maqaarka qaybtii koowaad

xanuunada maqaarka( Skin Diseases)
xanuuna farabadan ayaa maqaarka qofka baniaadamka ah ku dhaca waxna ka badila maqaarkiisa iyo bilicda jirkiisa waxaa ka mid ah xanuunadaa.
 Bidaarta

Bidaarta waxaa lagu tiriyaa in ay tahay col kala dhantaala quruxda qofka baniaadamka ah oo wax u dhima nafsiyadiisa waxay dhakhaatiirtu ku sheegaan in ay bidaartu  12 nuuc ay tahay  marka laga hadlaayo waxa keena ama sababa waxaana ugu muhiimsan qaybahan
Kow : bidaarta dheecaanka ragga
oo ah mid u keeno dheecaanka raggu waana nuuc badanaa ragga uun ku kooban sababtuna waxay tahay isbedel dheecaanka ragga ku yimaada oo khalkhal gala kaaso masuul ka ah habaynta ama nidaaminta maqaarka madaxa ruuxa. nuucan dumarka ma ku badna lkn haddi  lagu arko waa in baaritaan loo sameeyo dhanka dheecaanka in kasta oo ay adagtahay in daawo loo helo
laba: waa madaxa oo u xanuun kaga dhasho qofka waana mid labaad oo halis ah baabisana timaha in kasta oo nuucan la daawayn karo oo ay fududahay in daawo loo helo
timuhuna waxay u daataan si burshin burshin ah ama markiiba in gacan qabato.waxaana lagu daaweeyaa nuucan daawooyin gaar ah oo boogaha bogsiiya iyo qalab lagu kuleyliyo madaxa oo ka dila jeermiska ayaa jira.
sadex:waa bidaar ay keento daawooyinka kimikaalka ah ee la qaato. sida feetamiin (A) oo si xad dhaaf ah qofku u qaato
ama aysiidha foolik ama daawooyin dhiiga fura sida isbiriinka iyo kuwa  qanjirka dhuunta lagu daaweeyo markuu si xad dhaaf ah u shaqaynaayo waxa looyaqaano afka ingiriiska (Thyroid)
Said I Obsiye.

ليست هناك تعليقات:

إرسال تعليق